Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada Soomaaliya: Sida Loo Suurtagelin Karo Ka Qaybgalka Dadweynaha ee Cadaaladda Xilliga Kala-guurka
- Posted on
- In Policy, Publications
- by CSVR
Sanado badan oo colaado iyo xasillooni-darro ah kadib, Soomaaliya waxay galeysaa xilli ay suuragal tahay in cadaaladda xilliga kala-guurka la hirgeliyo. Khibrad soddon sano oo Afrika ah waxa ay muujineysaa in geeddi-socodka cadaaladda xilliga kala-guurka uu u badan yahay inuu noqdo mid guuleysta haddii uu salka ku hayo ka qaybgalka shacabka, gaar ahaan dhibbanayaasha iyo bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen.
Inkastoo dowlada Soomaaliya aysan weli dhisin guddi runta, sidoo kalena aanay sameynin maxkamadeyn, magdhowyo, ama habab kale oo rasmi ah oo badanaa la xiriira xal-u-helidda dhacdooyinkii hore, haddana noocyo kala duwan oo tallaabooyin ah ayaa ka soo ifbaxay dalka kuwaas oo hordhac u ah – ama xataa noqon kara noocyo ka mid ah – cadaaladda xilliga kala-guurka.
Iyadoo casharro laga barannayo tallaabooyinka rasmiga ah ee ay dowladdu sameysay, sida Qaab-dhismeedka Dib-u-heshiisiinta Qaranka, iyo tallaabooyinka aan rasmiga ahayn ee ay bulshada rayidka hormuudka ka tahay, sida Madasha Nabadda iyo Horumarka, warbixintan waxay bixineysaa talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan sida ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta iyo Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee dowlad-goboleedyada uga shaqeyn karaan sidii loo suuragelin lahaa ka qaybgalka dadweynaha si loo suurageliyo geeddi-socod cadaaladeed oo ku habboon Soomaaliya sidoo kalena waara.
FAALLO KOOBAN - SIDA LOO SUURTAGELIN KARO KA QAYBGALKA DADWEYNAHA EE CADAALADDA XILLIGA KALA-GUURKA
CSVR is a multi-disciplinary institute that seeks to understand and prevent violence, heal its effects and build sustainable peace at the community, national and regional levels.
- CSVRhttps://www.csvr.org.za/author/csvr/
- CSVRhttps://www.csvr.org.za/author/csvr/
- CSVRhttps://www.csvr.org.za/author/csvr/